Rooney iyo Ibrahimovic oo ku tartamaya Abaal marinta MVP

(America) 01 Nof 2018. Weeraryahanadii hore ee Manchester United Wayne Rooney iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu soo daray liiska xiddigaha u tartamaya abaal marinta MVP ee horyaalka MLS dalka Mareykanka.

Labada xiddig ayaa wacdaro ka dhigay MLS iyagoona si xoogan u caawiyay kooxahooda.

Rooney ayaa si wayn u caawiyay kooxdiisa DC United kaddib markii uu ka soo tagay Everton bishii Janaayo, halka Ibrahimovic uu  LA Galaxy u dhalinayo goolal caaqibo leh.

Bandhigooda wacan ayaana keenay in lagu soo daray Liiska xiddigaha ku tartamaya abaal marinta MVP ee laacibka ugu qiimaha badan.

Zlatan ayaa marka laga soo tago abaal marinta MVP, waxaa horey loogu soo daray Liiska xiddigaha ku tartamaya abaal marinta laacibka ugu fiican Xiddigaha ku cusub MLS iyo waliba Liiska xiddigaha ku tartamaya abaal marinta xiddigaha sameeyay Comeback ugu fiican sanadka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close