Real Madrid iyo Juventus oo is dhaafsanaya labadaan xiddig

(Turin) 01 Nof 2018 Kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa is dhaafsanaya labo xiddig oo muhiim u wada ah.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday qorshe ay wado Juventus oo ah in Real Madrid ay is dhaafsadaan Marcelo iyo Alex Sandro.

Wadahadaladii heshiis kordhinta ee u dhexeeyay Juventus iyo Alex Sandro ayaa is taagay kadib markii laacibku uu dalbaday mushaar dhan 5 milyan oo euro sanadkii.

Image result for Alex Sandro Marcelo

Qandaraaskiisa ayaa dhacaya 2020, Juventus ayaana ku qasban inay iska iibiso dhamaadka xiliciyaareed kaan si uusan uga tagin qaab bilaash ah.

Juventus ayaana doonaysa inay hesho Marcelo kaas oo sanadkii ka qaata Real Madrid 10 milyan oo euro.

Kooxda reer talyaani dhib uma aragto inay bixiso mushaarka qaaliga ah ee Marcelo maadaama ay haatan bixiso mushaarka Ronaldo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close