Kooxda Banadir Sports Club oo saxaafada u soo bandhigtay goolhaayaheeda cusub

(Soomaaliya) 01 Nove 2018. Kooxda kubadda cagta Banadir Sports Club ayaa u soo bandhigtay saaxafada goolhayahiida cuusb Saciid Aweys Yamani, kaa uu kooxda ugu soo biiray naadiga Dekedda.

Banadir Sports Club ayaa habeenkii xaley qabsatay xaflad aad loo soo agaasimay ay ugu dabaal dageysay ku guuleysigii koobka General Daa’uud.

Goobta Xaflada waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, maamulka Kooxda Banadir S,C ,Taageerayasha Kooxdan iyo mas’uuliyiin kale ee kala duwan.

Goolhaye Saciid Yamani ayaa waayo fiican ku soo qaatay naadiga Dekedda isago kula soo guuleystay horyaalka Somaali Premier League.

Saciid Yamani ayaa loo dhiibay lambarka 30-aad ee kooxda kaa uu sitay goolhaye Maaney, balse wuxuu u hadiyadeeyay goolhaayaha dhawaan galka ah ee kooxda Banadir Sports Club.

W/Q. C/fitaax Naani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close