Kadib Messi, Samuel Umtiti oo isna ku soo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona

(Barcelona) 01 Nof 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa shalay ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa.

Laakiin taageerayaasha Barcelona ayaa maanta helaya war farxad leh kadib markii uu dib tababarka ugu soo laabtay Samuel Umtiti.

Xiddigaan ayaa ka bad baaday inuu maro qaliin uu la maqnaan lahaa waqti dheer, kadib dadaal badan oo kooxdu ay ku bixisay caafimaad qabkiisa ayuu saaka ku soo laabtay tababarka buuxa.

Messi ayaa hiigsanaya inuu taam u noqdo kulanka talaadada dambe ay Barcelona u safrayso Inter Milan, laakiin lama hubo waqtiga Samuel Umtiti uu dib ugu soo laabanayo safka kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close