“Cristiano Ronaldo Waqtiga Saxda ah ayuu yimid Juventus” – Marcello Lippi

(Juventus) 01 Nof 2018. Tababaraha reer Talyaani ee Marcello Lippi ayaa xaqiijiyay in laacibka ku soo guuleystay 5 jeer abaal marinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo uu dhaqaaqay kooxda Juventus waqtiga saxda ah.

Marcello Lippi ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku tilmaamay in Cristiano Ronaldo uu yimid kooxda Juventus waqtiga loo baahnaa, kadib markii uu kaga soo biiray Real Madrid suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

“Juventus waxay la saxiixatay Cristiano Ronaldo waqtiga saxda ah, saameyntiisu innaba caadi maahan haddii ay la soo saxiixan lahaayeen saddex sano ka hor wuxuun lahaan lahaa saameyn intaan ka yar.

Tababaraha reer Talyaani ee Marcello Lippi ayaa wuxuu intaas kadib ka hadlay macalimiinta shabaha isaga marka laga hadlayo xirfadiisa tababarka ee kubada cagta.

“Waxaa jira macalimiin badan, laakiin kuwa ugu macquulsan ayaa ah Massimiliano Allegri, Carlo Ancelotti iyo Luciano Spalletti, laakiin tababaraha Juventus waa kan ugu dhaw ee aniga i shabaha”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa kaga soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay kadib mudo dhan 9 sano uu ku soo qaatay aduun dhan 100 milyan euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close