Aaron Ramsey oo lagu war galiyay inuu raadsado koox uu ku biiri karo

(London) 01 Nof 2018 Arsenal ayaa niyad jabisay laacibkeeda Aaron Ramsey kadib markii ay ku war galisay inuu raadsado koox uu ku biiri karo.

Sida ay baahisay Sky Sports, Arsenal ayaa ku wargalisay Aaron Ramsey inaan laga saxiixi doonin heshiis cusub.

Qandaraaska Aaron Ramsey ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, laakiin xiddiga reer Wales ayaa waydiistay kooxdiisa in la siiyo 275 kun oo Ginni isbuucii.

Arsenal ayaa u sheegtay Ramsey inuu raadsado koox kale oo siin karta mushaarka uu doonayo, waxayna kooxdu ku dadaalaysaa inay iska iibiso suuqa Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close