RASMI: Paris Saint-Germain oo shaacisay in heshiis cusub ay ka saxiixatay Angel de Maria

(PSG) 31 Okt 2018. Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday inay heshiis cusub ka saxiixatay xidiga reer Argentina ee Angel de Maria.

War rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu sheegay in 30 sano jirka reer Argentina uu saxiixay heshiis gaaraya ilaa sanada 2021.

Heshiiskii hore ee Angel de Maria uu ku joogay kooxda Paris Saint-Germain ayaa wuxuu dhacayaa bisha June ee 2019.

Angel de Maria ayaa kadib marka uu saxiixay heshiiska cusub wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixo maanta kooxda Paris Saint-Germain, kadib saddex sano ee aan halkan imid, waxaan helay waxyaabo aad u cajiib ah, waan ku faraxsanahay inaan ka qayb qaato mashruucan guusha xambaarsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close