RASMI: Naadiga Benaadir oo gacanta ku dhigtay Goolhaye Saciid Yamani

(Muqdisho) 31 Okt 2018. Kooxda kubadda cagta Banadir Sports Club ayaa si rasmi ah u shaacisay iney la soo wareegtay goolhayihii hore ee Naadiga Dekedda Saciid Yamani.

Goolhaye Saciid Yamani ayaa waayo fiican ku soo qaatay naadiga Dekedda isago kula soo guuleystay labadii sano ee la soo dhaafay horyaalka Somali Premier League.

Kooxda uu hogaamiyo Hussein Mbalango ayaa aad u baadi goobeysay goolhaye ku wanaagsan ilaalinta shabaqada wuxuuna Yamani u arkay mid howshaa ka soo bixi kara.

Saciid Yamani ayaa ku soo shaac baxay tartankii maamul Goboleedka sanadkii 2016-kii isago shabaqada u ilaalinaayay Maamul Goboleedka H/ Shabeele.

2015-kii ayuu ku biiray Da’yarta Kooxda Horseed, kadib bandhigiisa wacna waxaa loo soo dalacsiiyay kooxda waa weyn, balse Hal Sano kadib naadiga Horseed wuu ka hayaamay isago ku biiray naadiga Somali Fruit oo xiligaas ciyaareysay horyaalka heerka 2-aad, waqti yar kadib wuxuu u hawo gadistay naadiga uu hada ka tagay ee Dekeeda.

Goolhaye Saciid ayaana ugu dambeyn iminka ku biiray kooxda Banadir Sports Club isagoona u xiran doona lambarka 30-aad.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and shoes

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close