Man United oo Waji gabax kala kulantay Man City kahor kulankooda!!!…(Maxaa dhacay?)

(Manchester) 31 Okt 2018. Man United yaa waji gabax kala kualntay dariskeeda Man City ka hor kulankooda Derby Manchester ee 11-ka bisha November.

Kooxda Jose Mourinho ayaa u gudbisay maamulka Etihad Stadium inay u kordhiyaan Tikidhada kulanka soo socda balse Man City ayaa ka soo diiday dalabkaas.

Red Devils oo heshay 2,792 Tikidh kulankii ay u soo safreen Manchester City xagaagii hore ayaa iminka dooneysay inay hesho ilaa 3,000.

Inkastoo Manchester United laga soo diiday dalabkeeda in loo kordhiya tikidhada kulanka Derby Manchester misane waxaa la sheegayaa inaysan cabasho gudbin doonin waxaase la aaminsan yahay inay ka niyad jabeen jawaabta la siiyay.

Sababta loogu diiday tikidhada kordhisan ayaa lagu sheegay inay kordhineyso khatarta.

Waayo bishii April ee la soo dhaafay taageerayaasha labada dhinac ayaa isku dagaalay bartanka magaalada iyadoo ay xitaa Boolisku ku dhibtoodeen inay xaalada xakameeyaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close