Lionel Messi oo ka farxiyay taageerayaasha Barcelona kadib markii uu ku soo laabtay tababarka +SAWIRRO

(Barcelona) 31 Okt 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu dib ugu soo laabtay tababarka.

Messi ayaa suxulka ka jabay kulankii Sevilla, wuxuuna seegay kulamadii Inter Milan iyo Real Madrid oo kooxdu ay gaartay guul.

Saaka ayuu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona, waana markii ugu horaysay ee lagu arko tababarka sidii uu u dhaawacmay.

Tababare Valverde ayaa la filayaa inuusan garoomada ku la soo dag dagin Messi maadaama uu u baahan yahay waqti uu si buuxda uga soo caafimaado.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close