DEG DEG: Arsene Wenger oo Xaqiijiyay GOORTA uu ku soo laabanayo Shaqada Tababaranimo….(Waa Kooxdee???)

(England) 31 Okt 2018. Macalinkii hore ee Arsenal Arsene Weger ayaa ka dhawaajiyay in shaqada tababaranimo uu dib ugu soo laaban doono bilowga sanadka cusub ee 2019.

Tababaraha reer France ayaa kal ciyaareedkii tagay soo afjaray 22-sano uu xilka u hayay Gunners.

Inkastuu xaqiijiyay inuu sanadka cusub dib ugu soo laaban doono shaqada ayuu misane diiday inuu sheego kooxda uu qaban doono.

“Wax qariib ah ayay u muuqan doontaa inaan aado meel kale, laakiin makuu sheegi karo halka aan aadayo maxaa yeelay ma garanayo halka aan aadi doono,” Wenger ayaa sidaa u sheegay Sky Sports.

“Meel ayaan aadi doonaa, laakiin ma garanayo halka ay tahay.

“Nasiino fiican ayaan qaatay inbadanna waan daawaday kubbada cagta, waxaan leeyahay xusuus badan oo fiican, sidaa darteed waan u xiisay kubbada cagta.”.

Lama garanayo kooxda uu qaban doono Wenger maadaama uu diiday inuu afkiisa ka sheego, laakiin waxay u badan tahay inuu noqon doonto macalinka cusub ee Bayern Munich.

Image result for Arsene Wenger to Bayern Munich

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close