Antonio Conte oo iska fogeeyay shaqada kooxda Real Madrid

(Madrid) 31 Okt 2018 Tababaraha reer talyaani ee Antonio Conte ayaa iska fogeeyay shaqada kooxda Real Madrid.

Maamulka Real Madrid ayaa wadahadal la galay Conte isbuucyadii u danbeeyay, laakiin wadahadalka ayaa ku soo idlaaday fashil.

Sida ay baahisay Sky Sports, Antonio Conte ayaa iska fogeeyay shaqada Real Madrid, wuxuuna sheegay in shaqadaas ay tahay mid aan isaga ku haboonayn.

Florentino Perez ayaa ku qasbanaaday inuu si ku meel gaar ah kooxda ugu magacaabo Santiago Solari kaas oo fasax u haysta inuu layliyo kooxda kaliya 14-maalin.

Real Madrid ayaa haatan baadi goob ugu jirta tababare kale oo ay u dhiibto kooxda, sidoo kale waxay si gaar ah u tijaabinayaan Santiago Solari.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close