SAWIRRO: Sheeko CAJIIB AH ayaa ka dambeysa Laadkii Xorta ahaa ee Quruxda badnaa uu dhaliyay Granit Xhaka….(Bal Ogoow)

(England 30 Okt 2018. Granit Xhaka ayaa dhaliyay Free Kick aan innaba caadi ahayn ciyaartii ay bar-baraha 2-2 la galeen Crystal Palace, laacibka ayaana iminka daaha ka rogay sheeko cajiib ah oo ka dambeysa inuu dhaliyo laadkaasi xorta ah.

Xiddiga reer Swiss ayaa ka dhawaajiyay in tababare Unai Emery uu ka dambeeyay inuu dhaliyo Free Kick maadaama uu isagu ku qasbay inuu tuuro laadadka xorta ah iyo Koornooyinka.

Emery ayaa la hadlay Xhaka markii la maray qeybta hore ee ciyaarta isagoona u sheegay inuu tuuro Koornooyinka iyo Laadadka xorta ah ee kooxda maadaama qeybta hore ay xiddigo kale qabanayeen howshaas.

Markii la soo laabtay qeybta labaad 6-daqiiqo uun kaddib laacibka qadka dhexe ayaa dhaliyay Free kick aan caadi ahayn uu ciyaarta uga dhiga 1-1.

“Waxaan doortay inaan Laado waayo tababaraha ayaa i waydiyay sababta aan qeybta hore u qaadi waayay Koornooyinka iyo Laadadka xorta ah.

“Waan sameeyay Kaddib markii uu ii sheegay inay qasab igu tahay inaan qaado Koornooyinka iyo Laadadka xorta ah.

“Waxaan u maleynayaa inuu ahaa Laadkii xorta ee ugu horreeyay qeybta hore, sidaa darteed waan qaaday.”.

Xhaka ayaa markii uu dhaliyay Free Kick u cararay dhanka tababarihiisa Emery maadaama uu isagu sabab u ahaa.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close