Ma Ogtahay in Tababaraha Cusub ee Real Madrid uu si WAALI AH u Taageero Lionel Messi….(Aqriso hadaladii uu yiri)

(Spain) 30 Okt 2018. Tababaraha Cusub ee Real Madrid  Santiago Hernan Solari ayaa marar badan si aan gambasho lahayn u muujiyay taageerada iyo xushmada uu u hayo xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.

Solari ayaa sidii Zidane oo kale laga soo dalacsiiyay Real Madrid Castilla iyadoona si ku meel gaar ah loogu sii dhiibay xilka kooxda waa waynka kaddib markii la ceyriyay Julen Lopetegui.

Rugcadaaga reer Argentina iyo Real Madrid ayaa intii aan loo dhiibin xilka Castilla ka hor soo ahaa Qoraa jariirad, wuxuuna mid ka mid ah Maqaaladiisa si waali ah ugu ammaanay Lionel Messi.

Messi and Solari.

“Gool dhalinti waa wax uu si dabiici ah u leeyahay Messi si la mid ah Duufaanada hilaaca  iyo Dabeylaha ay u yihiin ifafaalo jawi,” Solari ayaa sidaa qoray

“Markasta uu Messi kubbada lugta ku dhigo dhulka wuu gariirayaa, qofkasta wuu aamusayaa, tababarayaasha ka soo horjeedana waxay madaxyadooda ku qariyaan lababada garbood dhaxdooda waxayna gacamaha gishtaan jeebkooda, sida qof arkay Hilaac isla markaana aan lahayn dooq aan ka ahayn inuu sugo dhawaqa Onkodka.

“Hawada ayaa ilbiriqsiyo yar gariireysa intaa kaddibna waxaa la maqlayaa Goolka.”.

Solari ayaa misane hadlay markii uu Messi ku guuleystay Ballon d’Or-kiisii afaraad wuxuuna yiri:

Related image“Farqiga u dhexeeya Messi iyo Cristiano Ronaldo  waa abaal marinada Ballon d’Or.

“Ronaldo waa laacibka ugu fiican adduunka waayo Messi wuxuu ciyaaraa Ciyaaro kale.

Solari ayaa sanado dhowr ah kaddib wareysi uu siyay La Liga la bar bardhigay Messi qaar ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ebid kubbada cagta sida Maradona iyo Pele.

Ugu dambeyna Solari sanadii 2016 wuxuu yiri:

“Messi wuxuu dhigay Taariikh, nasiib daro Barcelona ayuu u dhigay” ESPN ayuu sidaa u sheegay.

“Waxaan rajeeyay inuu taariikhdaas ku dhigo halkan Real Madrid.

“Ballon d’Or waxaa leh Messi aad ayuu ugu qalmaa waana ku faraxsanahay midaa ka Argentin ahaan.

“Real Madrid waxay doonayaan inay heystaan kuwa ugu fiican, laakiin nasiib daro ma heli karin Messi inkastoo aan heysano ciyaartooy waa wayn.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close