“Waa aniga ciyaaryahanka u qalma inuu ku guuleysato abaal marinta Ballon d’Or”

(Juventus) 29 Okt 2018. Cristiano Ronaldo ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uu ku bixiyay majalada caanka ah ee “France Football” ee mas’uul ka ah abaalmarinta Ballon d’Or ee ah ee ciyaaryahanka ugu fiican aduunka.

Weeraryahanka kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa si cad u sheegay inuu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or.

“Waxaan ahay ciyaaryahan u qalma ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or, waan ogahay inaan ahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda”.

“Inaan ku guuleysto markii LIXAAD abaal marinta Ballon d’Or ma ahan mid muhiim ah, laakiin sidaasoo ay tahay waxaan doonayaa inaan ku guuleysto, sababtoo ah waan u qalmaa inay sidaas dhacdo, waxaan soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah”.

“Wali ma joojinin shaqada, waxaan dhalinayaa goolal, sidoo kale waxaan ku guuleysanayaa kulamo iyo koobab, sidaas darteed waan u qalmaa”.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay ka tagistiisa kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Waa talaabo sax ah ee muhiim ii ah aniga, waxaan ka qabtay Real Madrid shaqo badan ee aad u wanaagsan, sidoo kale waxaan doonayaa in halkan Juventus aan kasii wado”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close