DEG DEG: Wadahadaladii Real Madrid iyo Antonio Conte oo gaaray meel adag iyo sheekada oo fashil ku dhaw

(Madrid) 29 Okt 2018 Warar dag dag ah oo haatan ka imaanaya gudaha Real Madrid ayaa xaqiijiyay in uu hakad ku yimid wadahadaladii tababare Antonio Conte.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegay in gabi ahaanba la hakiyay wadahadaladii u dhexeeyay Real Madrid iyo Antonio Conte.

Kanaalka 6-aad ee dalka Spain ayaa isna goor dhaw baahiyay in wadahadaladii Real Madrid iyo tababare Conte ay gaareen meel adag.

Wargayska Marca oo aan ka harin ayaa isna si dag dag ah u baahiyay in wadahadaladii ay adkaadeen isla markaana kooxdu ay bilowday inay  daydayato dooqyo kale.

Dooqyada kooxdu ay indhaha ku hayso ayaa ah tababaraha da’yarta Real Madrid ee Santiago Solari iyo tababaraha xulka Belgium ee Roberto Martinez.

Santiago Solari ayaa laylin doona kooxda kulanka arbacada ee Copa del Rey sida lagu sheegay warbixinta Marca.

GoolFM kala soco wixii ku soo kordha …….

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close