Cristiano Ronaldo oo si xun u Weeraray Florentino Perez

(Europe) 29 Okt 2018. Crstiano Ronaldo ayaa weeraray Madaxwaynihiisii hore ee Real Madrid Florentino Perez kaddib wareysi furan uu siiyay jariiradda afka dheer ee France Football.

Xiddiga reer Portugal ayaa sheegay in Perez uusan marna qalbiga kala hadlin isla markaana uu ka eegi jiray oo kaliya dhanka xiriirka Ganacsi.

“Florentino Perez marna igama eegin dhan aan ka ahayn xiriir Ganacsi,” CR7 ayaa sidaa u sheegay France Football.

“Waxyaabaha uu ii sheegay marna qalbiga igama dhihin.

“Waxyaabo fiican ayaa kula guuleystay Real Madrid iyo waqtiyo aan innaba caadi ahayn aan la qaatay saaxiibo aad u qaali ah taa oo aan markasta xusuusnaan doono.

“Had iyo jeer waan xusuusnaan doonaa taageerayaasha, laakiin waxaan aaminsanahay kaddib sagaal sano inay ahayd waqtigii isbadelka iyo waqtigii aan kooxo kale u dhaqaaqi lahaa.

“Waxaan kooxda dhexdeeda ka dareemay gaar ahaan Madaxwaynaha inaysan iiga fikireyn si la mid ah sidii ay iiga fikiri jireen bilowgii.

“Madaxwaynaha wuxuu ii arkay in wixii markaa ka dambeeya aan lagama maarmaan u ahayn iyaga.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close