Ciyaartoyda Real Madrid oo diidan Conte isla markaana doonaya tababarahaan! (Waa tababare horay u soo maray Real)

(Madrid) 29 Okt 2018 Ciyaartoyda Real Madrid ayaa waqti adag ku jira kadib guul daradii waynayd ee xalay ka soo gaartay Barcelona.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in ciyaartoyda Real Madrid ay ka niyad jabsanyihiin in tababare Lopetegui laga cayriyo kooxda waliba iyaga oo si wayn u garab taagan.

Xiddigaha Real Madrid ma doonayaan in kooxdu ay la soo saxiixato Antonio Conte, taa badalkeeda waxay codsanayaan in dib loo soo celiyo tababare Zidane.

Florentino Perez si wayn ayuu u ogyahay xiriirka ka dhexeeya tababare Zidane iyo ciyaartoyda kooxda, laakiin wuxuu ka caraysan yahay qaabkii lama filaanka ahaa ee uu uga tagay kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close