Carlo Ancelotti oo fariin u diray kooxda Real Madrid kadib guuldaradii MUSIIBADA ahayd ee kasoo gaartay Barcelona

(Real Madrid) 29 Okt 2018. Macalinka reer Talyaani ee kooxda Napoli Carlo Ancelotti ayaa wuxuu fariin u diray kooxda Real Madrid kadib guuldaradii MUSIIBADa ahayd ay kala kulmeen kooxda Barcelona kulankii xalay El Clasico ee ka dhacay garoonka Cump Nou.

59 jirkan reer Talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa u rajeeyay Real Madrid wanaag oo dhan, isla markaana ay sida ugu dhaqsida badan ay kaga baxdo xaalada adag ay haatan ku sugan tahay.

“Waxaan si qalbi ah ugu rajeenayaa Real Madrid in ay dib ugu soo laabato sida ay horey u ahayd iyo waliba si ka awood badan”.

Real Madrid ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay ku dhawaaqi doonto casilaada Julen Lopetegui, kadib guuldaradii MUSIIBADa ahayd ay kala kulmeen kooxda Barcelona kulankii xalay El Clasico.

Dhammaan wargeysyada Isbaanishka ah ayaa waxay xaqiijinayaan in tababaraha cusub ay yeelan doonto kooxda Real Madrid uu yahay macalinkii hore kooxda Chelsea ee Antonio Conte.

Si kastaba Santiago Solari ayaa la filayaa in si ku meel gaar ah u qaban doono shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid ka qeyb galkooda koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club World Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close