Barcelona oo ka fiirsanaysa iibka xiddig muhiim u ah suuqa Janaayo

(Barcelona) 29 Okt 2018 Barcelona ayaa ka fiirsanaysa inay iska iibiso mid kamid ah xiddigaheeda muhiimka ah suuqa Janaayo.

Sida uu baahiyay RAC 1, Barcelona ayaa ka fiirsanaysa inay iska iibiso Ousmane Dembele suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Hoos u dhac wayn ayaa ku yimid qaab ciyaareedka Ousmane Dembele, wuxuuna ka baxay dooqa koowaad ee tababare Valverde.

Barcelona ayaana ka fikiraysa qaabkii ay u soo ceshan lahayd lacagtii uga baxday saxiixa Ousmane Dembele taas oo kor u dhaafaysa 100 milyan oo euro.

Haddii Ousmane Dembele uusan is badal samayn inta aan la gaarin bisha Janaayo, waxaa hubaal ah in kooxdu ay dhagaysan doonto dalabyada u imaanaya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close