Maxaa ka soo kordhay Wararka ku aadan MUSIIBADII Xalay ka dhacday Premier League…SAWIRRO

(England) 28 Okt 2018. Waxaa soo dhacday oo qarax iyo bur-bur sameysay Helicopter-ka milkiilaha naadiga Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha.

Dayuurada qumaatiga u kacda ayaa u soo dhacday sababo lagu sheegay dhibaato dhanka Matoorka ah wax yar kaddib markii ay ka soo duushay garoonka King Power ay Leicester City bar baraha 1-1 kual gashay kooxda West Ham.

Inkastoo aan la xaqiijin xaalada Bilyineerka Srivaddhanaprabha, misane waxaa soo kordhaya wararka sheegaya inuu ka mid ahaa dadkii ay musiibada ku qabsatay Helicopter-ka bur burtay.

Ilo wareedyo ku dhow dhow reerkiisa ayaa BBC u sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ay la soo dhacday Helicopter-ka.

Lama garanayo tirada dadka ku dhintay musiibadii xalay ka dhacday meel ku dhow garoonka King Power.

Laakiin waxaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen dhowr ruux oo uu ka mid yahay Milkiile Srivaddhanaprabha.

Srivaddhanaprabha ayaa had iyo jeer garoonka looga soo qaadi jiray Helicopter kulamada ay Leicester City ku ciyaarto mininkeeda, waxayna ilo wareedyo badan sheegayaan inuu ka mid ahaa dadkii ay la bur-burtay.

Taageerayaasha ayaa Saakay bilaabay inay Ubaxyo Tacsiyeen ah soo dhigaan bannaanka garoonka King Power oo xalay Musiibadu ka ag dhacday taa oo caddeyn u ah in bur burka Helicopter ka ay ku dhinteen xubno muhiim ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa iminka tibaaxaya in laga cabsi qabo in Milkiilaha Leicester City uu ka mid yahay 5-ruux oo ku geeriyootay musiibadii xalay dhacday, laakiin waxaa la aaminsan yahay in gabadhiisa aysan ka mid ahayn dadkii saarnaa Helicopter-ka.

Kala soco Goolfm.net wixii soo kordha….

The helicopter belonging to Leicester owner Vichai Srivaddhanaprabha crashed outside the King Power Stadium following Leicester's 1-1 draw with West Ham yesterday

Fans were gathered outside the stadium in the aftermath of the tragedy at the King Power Stadium in Leicester 

Flowers and tributes have been left at the scene of the helicopter crash hours after the devastating scenes at Leicester's stadium 

Tributes included a Leicester shirt, flowers, candles and a Thai-style picture outside of the ground, early on Sunday

A Leicester shirt was left at the scene close to where the helicopter which can carry eight people came crashing down 

Vichai Srivaddhanaprabha waves to fans after a Premier League clash between Leicester City and Southampton in April 2016. He was at the game but it is unclear whether he was on board the helicopter

 Huge plumes of smoke were seen billowing in the air following the crash at around 8.30pm on Saturday

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close