Man United oo ka hor istaagtay Pogba inuu saxaafadda la hadlo

(Manchester) 28 Okt 2018. Wararka ka imaanaya gudaha dalka England ayaa waxay daboolka ka qaadeen in Manchester United ay amar ku bixisay in Paul Pogba uu joojiyo in saxaafada uu kala hadlo xiriirka kala dhexeeya Jose Mourinho iyo mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Pogba uusan ku faraxsaneen mudada 12-kii bilood ee lasoo dhaafay doorka uu ku leeyahay kooxda iyo qaabka uu u la dhaqmo Mourinho.

25 jirkan reer France ayaa wuxuu haatan shaaca ka qaaday in Manchester United ay ka hor istaagtay inuu la hadlo warbaahinta.

“Ma hadli karo, la iima ogola inaan hadlo, waxaan doonayaa inaan sidaas sameeyo, balse la iima ogola, waxay ii sheegeen inaanan hadli karin”.

Pogba ayaa hprey loogu diiday inuu la hadlo saxaafada kadib guuldaradii Valencia kaga soo gaartay Champions League, lakiin kadib waxaa loo ogolaaday inuu la hadlo dhowr shirkadood.

Si kastaba ha ahaatee waxaa markale Pogba lagu amray inuu joojiyo la hadalka warbaahinta, balse waxaan wali kala cadeen in go’aanka uu yahay mid ka yimid Mourinho ama maamulka sare ee kooxda.

Mustaqbalka Pogba ee kooxda Manchester United ayaa sii xumaanaya xiliba xiliga kasii dambeeya, xili ay saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha Real Madrid, Barcelona, Juventus iyo Paris Saint-Germain, laakiin laacibka reer France ayay wararku sheegayaan inuu xiiseenayo ka ciyaarista horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close