Manchester United oo guul muhiim ah ka gaartay Everton xili uu shabaqa gaaray Martial

(Manchester) 28 Okt 2018 Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay caawa kooxda Everton oo marti ugu ahayd Old Trafford.

Xiddigaha Manchester United ayaa ku soo galay ciyaarta si xoogan, waxaana ka go’nayd inay guul ka gaaraan kulanka.

27-daqiiqo, Pogba ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United kadib markii uu ku celiyay goolka kubadd gool ku laad ahayd oo laga tufay, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay natiijadaas.

Qaybtii labaad, Martial ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Pogba, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-0.

77-daqiiqo, Sigurosson ayaa gool ku laad u dhaliyay kooxdiisa Everton, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-1.

Manchester United ayaana ugu danbayn uga adkaatay Everton 2-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close