LIISKA Xiddigaha xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galaya isreeb-reebka Olombikada Aduunka oo la soo saaray

(Muqdisho) 28 Okt 2018. Waxaa la soo saaray Liiska Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb gali doona isreeb reebka Ciyaaraha Olembikada Adduunka.

Xiddigaha ayaa ka kooban ilaa 23 ciyaaryahan waxaana laga soo kala xulay kooxaha heerka koowaad iyo heerka Labaad ee dalkeena.

Ciyaartooyda ayaa tababar heer sare ah ku sameenaya garoonka Jaamacadaha oo sidoo kale ah halka ay ku xareysan yihiin.

Xulka waxaa hoggaaminaya Macalin Fara Yare halka tababaraha labaad uu yahay Maxamed Bashiir.

Waxay ka qeyb gali doonaan Isreeb reebka Olombikada Adduunka, waxayna labo kulan la ciyaari doonaan Itoobiya sida uu sheegay Shaafici Isloow oo ku hadla afka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Goorta iyo goobta lagu ciyaari doono dib ayaan idin kala socodsiind doonnaa insha’alaah.

EEG LIISKA XIDDIGAHA LA SOO XULAY:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close