HORDHAC: Burnley v Chelsea

( Premier League ) 28 Okt 2018. Chelsea ayaa u safreysa dhigeeda Burnley kulamada tobonaad ee horyaalka Premier League asbuucan.

Kooxda Blues ayaa qeyb ka ah kooxaha u hardamayay xagaagan hanashada horyaalka, inkastoo dheeshii u dambeysay ee barbaro gashay.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 04:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Craig Pawson

Garoonka:  Turf Moor

Wararka Labada Koox

Burnley ayaa soo dhaweyneysa Robbie Brady markii u horreysay tan iyo dhaawac jilibkaa oo gaaray bishii December.

Ben Gibson ayaa talaabo ku jira inuu soo laabto kaddib dhibaato sheeladaa uu qabo laakiin weli waa mid ka kabanaya, halka Aaron Lennon uu qabo hargab iyadoo laga yaabo inuu seego cayaartan.

Gooldhaliyaha Chelsea Eden Hazard ayaa taam ahaan shihiisa uu shaki ku jiraa kaddib dhaawac dhabarkaa oo kasoo gaaray kulankii Manchester United ee todobaadkii hore.

Ruben Loftus-Cheek ayaa lagu riixayaa inuu shaxda ku bilaawdo kaddib seddaxley uu dhaliyay kulankii Blues ay guusha ka gaartay naadiga BATE tartanka Europa League.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Chelsea ayaa hal guuldarro kasoo gaartay siddeed cayaar oo ay Premier League la kulantay Burnley waxayna aheyd kulan garoonkooda looga adkaaday 3-2 maalinkii furitaanka ee xili cayaareedkii lasoo dhaafay ( 5 guul, iyo 2 barbaro ).

Burnley ayaa ku garaacin Chelsea garoonkooda Turf Moor tan iyo 3-0 oo ay kaga badiyeen horyaalka labaad bishii April 1983.

Chelsea ayaa shabaqa ilaashatay laba kulan oo kamida 36 kulan oo cayaaraha horyaalka sare ay u martisay kooxda Burnley, waana barbaro goolal la’aan cayaarao ku idlaaday oo dhacay 1963 iyo 1970.

Chelsea waa guuldarro la’aan sagaalkeeda kulan ee furitaanka cayaaraha sare ee horyaalka waa taariikhda markii shanaad oo ay guuldarro la’aan yihiin kulamo xariira waxaana kamida sanadihii ay horyaalka qaaday ee 2005-06 iyo 2014-15.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close