Guulihii Arsenal oo la Hakiyay Markii Barbaro ay la Gashay Crystal Palace iyo Chelsea oo Guul Muhiima ka gaartay Burnley La’aanta Hazard

( Premier League ) 28 Okt 2018.  Arsenal ayaa taako loo dhigay markii ay barbaro 2-2 ay la dhaafi weysay Crystal Palace xili ay raadinayeen guushoodii 12 oo xariira dhammaan tartamada.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaanimeysay kooxda martida waxaana u dhaliyay Luka Milivojevic daqiiqadii u dambeysay qeybta kowaad dheesha wuxuuna ahaa rigoore.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Gunners ayaa dardar xoogan kusoo laabtay waxayna durba heleen goolka bareejada kasoo uu laadka xorta ah ku dhaliyay xiddiga Granit Xhaka.

Daqiiqado kaddib markale Arsenal ayaa la timid goolka labaad oo ay kula wareegeen hogaanka dheesha waxaana u dhaliyay weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang.

Balse wax kastaa ayaa is badal daqiiqadii 83-aad uu rigoore ku keenay geesiga noqday eber ee Xhaka oo qalad diilinta dhexdeedaa ku galay Wilfried Zaha waxaana fursadii gool ku laadka aheyd gool u badalay oo markii labaad shabaqa gaaray Luka Milivojevic.

Dhinaca kale Chelsea ayaa guul raxaa ku dhaaftay dhigeeda Burnley oo ay marti u ahaayeen waxayna kaga badiyeen 4-0.

guushan ay Chelsea gaartay waxaa ka saaciday laacibiinteeda kala ah Morata, Barkley, Willian iyo  Loftus-Cheek oo dhaliyay dhammaan afarta gool ee Blues guusha ku raacday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close