Goolka Coutinho oo Rikoodh Waali ah ku dhashay EEG Waxa lagu Dhigay Real Madrid

( La Liga ) 28 Okt 2018. Goolka kowaad ee kulanka haatan socda ee Clasico oo ay dhaliyeen Barcelona ayaa ku yimid daqiiqad iyo bar oo ay kubbadda heysteen xiddiga Barca.

Cayaariyahan kasta oo Barcelona ayaa wax ka cayaaray Banooniga lagu soo abuuray baasaska aan kala joogsiga laheyn marka laga reebo Luis Suarez.

Kubbadda lagu soo abuuray goolka daah furka kooxda Barca ayaa bilaabatay markii dheeshu socotay daqiiqadii siddeedaad iyo 56 Sikin, kasoo ahaa 30 baas oo qaatay 92 sikin  oo ay wada cayaareen 10 cayaariyahan oo kooxda guriga ah ugu dambeyn uu Philippe Coutinho dhaafsiiyay Thibaut Courtois.

Kubbadda ayaa kasoo bilaabatay baaseeka kowaad daafaca Clement Lenglet, oo dib ugu celiyay banooniga goolhayaha Marc-Andre ter Stegen intaa kaddib soo weerargaliyay cayaarta waxayna baasaskaas ku dhamaadeen lugta xiddiga reer Brazilian,

Waxaana lama filaan ah inuu qeyb ka noqday baasaska Barcelona laacibka Isco.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close