Casemiro oo MUSIIBO ku tilmaamay guul daradii ka soo gaartay Barcelona

(Barcelona) 28 Okt 2018 Laacibka kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa ka hadlay guul daradii ka soo gaartay caawa kooxda Barcelona.

Real Madrid ayaa dhabarka loo saariyay guul daro wayn kadib markii loogu awood sheegtay 5-1 kulan ka tirsanaa isbuuca 10-aad ee La Liga.

Casemiro ayaa musiibo ku tilmaamay guul daradii caawa ka soo gaartay Barcelona, wuxuuna diiday in si gaar ah loogu eedeeyo guul daradaas tababare Lopetegui.

“5-1? Musiibo ayaa nagu dhacday maanta, ciyaartoyda ayaa masuuliyada qaadaya ma ahan in la eedeeyo tababaraha” ayuu yiri Casemiro.

“Arinku ma ahan mid xiriir la leh taatiko iyo falsafad, anaga ayeey waajib nagu tahay inaan bixino dadaal badan, natiijadu waxay ka turjumaysaa xaalada aan ku jirno xiliciyaareed kaan”.

“Xaalku waa mid aad u liita, dhamaanteen waan xumayn, waa inaan is dajinaa, ma ahan inaan ka hadalno tababaraha, dhibaatadu waa dhankeena”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close