Barcelona oo Bahdishay Real Marid kulankii Clasico xili Seddaxley uu Dhaliyay Luis Suarez+SAWIRRO

( La Liga ) 28 Okt 2018. Kooxda Barcelona ayaa si la yaqaan ugu raaxeysatay naadiga Real Madrid markii ay uga adkaadeen 5-1.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay Barcelona waxaana goolka daah furka dheesha u dhaliyay xiddiga Philip Coutinho oo ay dhameystiray kubbad soo martay dhawr baas markii cayaart socotay daqiiqadii 11-aad.

Intaa la aadin nasiinada kulanka Barcelona ayaa la timid goolka labaad kasoo ahaa Rigoore uu dhaliyay Suarez oo lagu go’aamiyay aalada VAR kaddib qalad uu galay daafaca Varane.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Real Madrid ayaa lasoo shir tagtay cayaar ka duwan qeybtii hore,

Real ayaa la timid goolka Calanka waxaana u dhaliyay Marcelo oo goolka ku hubsaday diib uu soo dhigay Isco.

Sheekada wixii intaa ka dambeyay Barca ayaa la wareegtay maamulka cayaarta Luis Suarez ayaana dhaliyay laba gool oo xariira taasoo uu ku dhameystiray seddaxdleyda uu kulanka ka dhaliyay,

Waxaana ugu dambeyn soo afjaray goolasha lagu xasuuqay Real Madrid Arturo Vidal oo madax ku dhaliyay karoos uu soo dhigay Ousmane Dembele.

Waa guuldarradii seddaxaad oo xariira oo kasoo gaartay horyaalka kooxda Real Madrid taaso mugdi galineysa xilka tababaraha reer Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close