Maxaa ku qornaa Funaanadii uu la soo baxay Luis Suarez markii uu Real Madrid ka dhaliyay goolkiisii Koowaad??

(Spain) 28 Okt 2018. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou xasuuq ugu geysatay Real Madrid kulankii ugu horreeyay ee El Clasico kal ciyaareedka cusub kaddib markii ay 5-1 uga adkaatay.

Luis Suarez ayaa saddexleey ka xareeyay Los Blancos isagoona muujiyay in Barca ay socon karto Lionel Messi la’aantiis.

Dhaliyaha reer Uruguay ayaa la soo baxay funaanad hoose kaddib markii uu dhaliyay goolkiisii koowaad ee kulanka oo Rigoore ahaa.

Waxaa la sheegay in goolka uu u hibeeyay wiilkiisa dhawaan u dhashay.

Waxaana ku qornaa funaanada uu la soo baxay oo uu ku sawirnaa wiilkiisa Cusub: “Soo dhowoow Lauti”.

Suarez oo ay horey ugu joogeen Delfina iyo Benjamin ayaa waxaa usbuucan loo dhalay wiil loo bixiyay Lautaro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close