Zlatan Ibrahimovic oo ka hadlay wararka sheegaya inuu dib ugu soo laabanayo Manchester United

(America) 27 Okt 2018. Xilli ciyaareedka naadiga LA Galaxy ee dalka Mareykanka ayaa soo idlaan doona horaanta bisha December taa oo ka dhigan in kooxaha Yurub ay amaah ku heli karaan Zlatan Ibrahimovic.

Joog dheeraha reer Sweden ayaa si wayn lala xiriirinayay inuu dib ugu soo laaban doono Manchester United maadaama uu kooxda dhib ka heysto dhanka weerarka.

Zlatan Ibrahimovic oo ka hadlay wararka sheegaya inuu ku soo laabanayo Old Trafford ayaa yiri.

Picha inayohusiana

“Halkan ayaan joogaa waana ku faraxsanahay.

“Waxaan leeyahay kulan aan axada ku wajaho Houston Dynamo, diirada oo dhana halkaas ayaan saarayaa.

“Marka taa laga soo tagana waxaanba ahay laacib aad u qaali ah.”.

Mourinho qudhiisa ayaa ‘Maya’ ku jawaabay mar la waydiiyay inuu dib u soo laabanayo Ibra.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close