SHAKI LA’AAN: Jose Mourinho wuxuu dib ugu laabanayaa Real Madrid

(Europe) 27 Okt 2018. Madaxwaynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa qaba in Jose Mourinho uu shaki la’aan dib ugu laaban doono kooxda Real Madrid.

Macallinka reer Portugal ayaa ka ariminayay gegada Bernabeu sanadihii u dhexeeyay 2010 ilaa 2013.

Mourinho oo xaalad adag ku jira ayaa la sheegayaa inuu yahay dooqa koowaad ee lagu badeli doono Julen Lopetegui marka laga ceyriyo Real Madrid.

Madaxwaynihii hore ee Los Blancos Calderon ayaana qaba in goor dhow amaba goor dambe uu Mourinho dib ugu laaban doono camaaliqada Spain.

Tokeo la picha la Jose Mourinho and ramon calderon

“Haddii uu Madaxwaynahan sii joogo Real Madrid sanado yar waxaan aaminsanahay in Mourinho uu halkan joogi doono. Shaki la’aan,”, Ramon Calderon ayaa sidaa u sheegay ESPN.

“Waa tababaraha kaliya uu Madaxwaynaha tixgaliyo. Xaalad fiican amaba mid xunba.

“Waxaan aaminsahay inuu halkan joogi doono haddii uu dabcan ka soo tago Manchester United, iminka waa tababaraha Manchester.

“Laakiin goor dhow amaba goor dambe, waxaan aaminsanahay inuu halkan joogi doono.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close