Pep Guardiola oo kahor kulanka El Clasico ka hadlay nasiib darada Lionel Messi

(Manchester) 27 Okt 2018. Macalinka kooxda Manchester City ayaa sheegay in laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uusan nasiib u yeelanin inuu ciyaaro kulanka El Clasico ay bari labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid kuwada ciyaari doonaan garoonka Cump Nou.

Pep Guardiola ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday waxaa wax looga weydiiyay kulanka xiisaha badan ee El Clasico iyo la’aanta xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Cristiano Ronaldo wuu baxay, Messi wuu dhaawacmay, wax badan ayuu soo ciyaaray mana uusan la kulmin wax dhaawac ah, balse nasiib ma uusan u yeelanin in kulankan uu markale ciyaaro, waxaan u rajeenayaa in si dhaqsi ah uu kusoo laabto”.

“Kulanka Barcelona iyo Real Madrid marwalba waa mid gaar ah, waa kulanka Isbuuca ee qaarada Yurub, waana wax xiiso leh inaad daawano”.

Si kastaba Lionel Messi ayaa soo gaaray dhaawac jabniin ah ee dhanka xusulka ah kulankii lasoo dhaafay ay horyaalka La Liga ay ku wada ciyaareen kooxda  Sevilla, kaasoo kusoo idlaaday 4-2 ay guusha ku raacday Blaugrana.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close