Ma Aragtay sida laga dhigay Mogadishu Stadium!!??? (Isku EEG labada SAWIR)

(Muqdisho) 27 Okt 2018. Goor dhaweyd ayay AMISOM ka baxeen garoonka ugu wayn Soomaaliya ee Stadium Muqdisho taa oo aad u farxad galisay bahwaynta ciyaaraha.

Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in muddo gaaban lagu hagaajin doono garoonka oo ay dac-dari xoogan ka muuqatay, iyagoona hir galiyay Mashruuc loo bixiyay “Is-xilqaan’ kaa oo durba la arkay miro dhalkiisa.

Moqdisho Stadium oo ahayd meel bahalo galeyn ah ayaa iminka u muuqata mid la eegi karo waloow aysan u dhaweyn sidii ay beri samaadkii ahayd.

Waxaa laga guray geedihii ka baxay dhammaan iyo qashinkii oo waxaa la soo saaray dhoobadii garoonka.

Inkastoo ay dhiman tahay howlo badan oo ku aadan dib u habeynta Muqdisho Stadium misane waa wax wayn ilaa iminka intii la soo qabtay:

EEG SAWIRKII HORE iyo SIDA IMINKA LAGA DHIGAY:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close