Laacib MUSLIM ah oo ka ciyaara Premier League oo diiday inuu Cuno Pizza isaga loogu magac daray maadaama ay ku jiraan Hilib DOOFAAR!!

(England) 27 Okt 2018. Weeraryahanka naadiga Southampton Maxamed Elyounoussi ayaa sheegay inuusan xitaa dha-dhamin Pizza uu aabihii ugu magac daray maadaama ay ku jiraan Hilib Doofaar.

Wiilka asal ahaanta ka soo jeeda dalka Morocco balse matala xulka qaranka Norway ayaa la warinayaa inuu yahay mid ku adag diintiisa Islaamka.

24-jirka ayaa sheegay inuusan garaneyn sida uu u dhadhamayo Pizza-ha loogu magac daray maadaama lagu daray waxyaabo aysan diintiisa u ogoleyn.

“Aabahey wuxuu ka shaqeyn jiray Pizza, wuxuu lahaa 23 Pizza. No.24- Lambarka maaliyada iigu qornaa waqtigaa ayaa la igu magac daray.

“Laakiin waxyaabaha lagu daray waxay ahaayeen waxyaabo aan cuni karin, Hilib Doofaar iyo waxyaabo sidaas oo kale ah, Waxaa loogu daray maadaama ay ka helaan Macaamiishiisa, laakiin anigu marna ma dha-dhamin!”.

Image result for mohamed elyounoussi southampton

Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Aabahey wuxuu tagi jiray 9am, wuxuu u soo laaban jiray Qado dabadeedna wuxuu furi jiray 2pm ilaa11pm.

“Had iyo jeer wuxuu guriga yimaadaa waqti dambe markaa oo aan Sariirta tagay, ma uusan heysan dad badan oo u shaqeeya wuxuuna doonay inuu wax kasta kaligiis qabsado.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close