Cesc Fàbregas oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada uu dib ugu laaban karo kooxda Arsenal

(Arsenal) 27 Okt 2018. Laacibka kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada uu dib ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Arsenal,

Dhinaca kale laacibka khadka dhexe reer Spain ayaa sheegay inuu ka tagayo Blues xilli ciyaareedka soo socda, isagoo wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ku sheegay.

“Arsenal waa sida qalbigeyga mana ilaabi doono marna, oo maxaa diiday inaan dib ugu laabto?, ma jirto cid garaneysa waxa bari dhici kara”.

“Markii aan 8 sanno jir ahaa waxaan doonayay inaan la tartamo Patrick Vieira, gaar ahaan Wenger wuxuu go’aansaday inuu iska iibiyo, taasoo ugu dambeyn sababtay inaan boos helo”.

“Waxay ahayd xaalad adag, laakiin waxaan u ciyaaray si fiican, waxaan dhaliyay gool, waxaana sidoo kale gool ka caawiyay Thierry Henry, waxaanan ku gaarnay guul 2-0 ah garoonkeena Highbury”.

Waxaa xusid mudan in Cesc Fabregas uusan waqti fiican ku heysanin xilli ciyaareedkan kooxda Chelsea uu hogaaminayo macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri.

Si kastaba Fabregas ayaa ku soo qaatay safka kooxda Arsenal inta u dhexeesay 2003 ilaa iyo 2011, kahor inta uusan ku biirin Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close