“Waxaan ku dhawaaday inaan ka tago kooxda Barcelona” – mid ka mid ah xidigaha muhiimka ah ee Braca oo sidaas yiri

(Barcelona) 26 Okt 2018. Goolhaayaha reer Germany iyo kooxda Barcelona Ter Stegen ayaa shaaca ka qaaday inuu hada kahor ku fikiray inuu ka dhaqaaqo garoonka Cump Nou.

Balse Ter Stegen ayaa dhinaca kale sheegay in uu helay ballan qaadyo badan ee kaga yimid maamulka kooxda Blaugrana kuwaasoo aan la xaqiijinin.

Ter Stegen ayaa yimid kooxda Barcelona xagaagii 2014, kadib markii uu kaga soo biiray dhigooda Borussia Mönchengladbach aduun dhan 10.5 milyan ginni.

Hadaba goolhaaye Ter Stegen ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku xaqiijiyay inuu ku dhawaaday ka tagista kooxda Barcelona.

“Waa go’aan aanan ilaabi karin, waxaan ahay qof doonaya inuu ka qayb qaato kulamada oo dhan, aniga ahaan xaalada aad ayay iigu adkayd marka uu Claudio Bravo joogay halkan”.

“Tartanka Claudio Bravo wuxuu ahaa mid aad u adag, waxaana ku fikiray inaan ka dhaqaaqo kooxda Barcelona, maamulka kooxda waxay xili kasta ii sheegi jireen inaanan walwalin, isla markaana aan heysto kalsoonidooda, kuna sii sugnaan doono Cump Nou sanado badan”.

“Laakiin marka aad aragto xaqiiqda waxaad ogaaneysaa in ay tahay hadal oo kaliya, balse qaab ciyaareedka fiican ee Bravo ayaa ka dhigtay inuu sii joogo, balse ugu dambeyn wuxuu ka dhaqaaqay kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close