Madaxweynaha Juventus oo xaqiijiyay in Ronaldo uusan wax dambi ah ku lahayn kiiska kufsiga ahaa ee lagu soo eedeeyay

(Juventus) 26 Okt 2018. Madaxweynaha kooxda Juventus Andrea Agnelli ayaa xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uusan wax dambi ah lahayn, kadib markii dhawaan lagu soo eedeeyay inuu kufsaday haweeneyda reer Mareykan Catharine Mayorga sanadii 2009.

Xidiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku jira maalmo adag, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu kufsadey haweeneyda u dhalatay dalka Mareykanka ee Catharine Mayorga.

Laakiin Madaxweynaha kooxda Juventus Andrea Agnelli ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska  “As” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay in Cristiano Ronaldo uu yahay dambi laawe.

“Waxaan si toos ah u eegay indhaha Cristiano Ronaldo, waxaan weydiiyay kiiska ku saabsan kufsiga Catharine Mayorga, kadib waxaan u sheegay inaan ku faraxsanahay shaqada uu ka qabanayo kooxda, iyo dabeecadiisa wanaagsan ee bilihii lasoo dhaafay”.

“Waan hubaa inuusan wax dambi ah galin Cristiano ee ku aadan kiiska kufsiga, isla markaana waxaan diyaar u nahay aniga iyo kooxda in aan wax walba ee arintan ku saabsan aan ka caawino”.

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo ilaa iyo haatan xili ciyaareedkan uu kasoo muuqday kooxdiisa Juventus 11 kulan, wuxuuna ku guuleestay inuu u dhaliyo 5 gool, wuxuuna caawiyay tiro kale ee la mid ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close