Aaron Ramsey oo ka jawaab celiyay su’aal ku aadaneed suurtagalnimada uu ugu dhaqaaqayo kooxda Tottenham

(London) 26 Okt 2018. Laacibka khadka dhexe kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa ka jawaab celiyay mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada uu ugu dhaqaaqi karo kooxda reer London ee Tottenham Hotspur.

Waxaa wali shaki xoogan ku jira mustaqbalka laacibka ree Weles, kaasoo heshiiskiisa kooxda Arsenal uu soo idlaanayo dhamaadka xili ciyaareedkan 2018/2019.

27 jirkan ayaa la weydiiyay hadii uu u dhaqaaqi doono kooxda Spurs xagaaga soo aadan wuxuuna ku jawaab celiyay “Maya”.

“Uma maleynayo inaan xiligan ku fikirayo wax kale ee aan ka ahayn inaan u ciyaaro kooxda Arsenal, sidaasi darteed waxaan sugi doonaa waxa dhaca mustaqbalka”.

“Xaaladahan oo kale way ka dhacaan kubada cagta, laakiin waxa kaliya aan diirada saarayo ayaa ah ciyaarista kubada cagta”.

“Waxaa jira waxyaabo kale ee dheeri ah, waana ku faraxsanahay nolosheyda gaarka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close