PSG oo dharbaaxo xoogan la damacsan Real Madrid

(Paris) 25 Okt 2018 Kooxda reer France ee PSG ayaa dharbaaxo xoogan la damacsan kooxda boqortooyada Spain ee Real Madrid.

Calciomercato ayaa baahisay in PSG ay u diyaar garoobayso inay ka qaadato Real Madrid laacibka reer Jarmal ee Toni Kroos.

Kooxda reer France ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato mugdiga soo kala dhex galay tababare Lopetegui iyo Toni Kroos, laacibka reer Jarmal ayaana keydka la dhigay kulankii Levante.

28 jirka reer Jarmal ayaa ku fikiraya inuu ka dhaqaaqo Santiago Bernabeu haddii tababare Lopetegui aan laga cayrin kooxda inta uu socdo xiliciyaareed kaan.

Kroos ayaa ku jira xiddigaha laf dhabarta u ah Real Madrid isla markaana ka caawiyay inay ku guulaysato Champions League 3-sano oo xiriir ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close