Paulo Dybala oo qirtay inuu carooday markii la badalay kulankii Manchester United

(Turin) 25 Okt 2018 Weerar yahanka reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa qirtay inuu carooday kadib markii tababare Allegri uu badal u taagay kulankii Manchester United.

Paulo Dybala ayaa u dhaliyay Juventus goolka qura ee ay uga adkaatay kooxda Manchester United talaadadii, laakiin waxaa la arkayay isaga oo caraysan kadib badalkii lagu sameeyay.

24 jirka reer Argentina oo bixiyay waraysi ayaa la waydiiyay sababtii uu u carooday? wuxuuna yiri:

“Uma muuqan mid faraxsan, ma doonaysid inaad banaanka u baxdo mar haddii aad ku jirto gudaha garoonka”.

“Ma ahayn inaan caroodo ee waxay ahayd inaan aqbalo badalka waayo tababaruhu wuxuu haystaa dooqyo badan”.

“Ma ahan wax fudud in tababaruhu uu qaato go’aan kaas, waxaan galay qalad wayn, laakiin waxaan isku dayayaa inaan sameeyo wax walba oo uu igu amro tababaraha, waana inaan xakameeyaa naftayda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close