Mourinho oo dhagaha ka furaystay codsi uga yimid taageerayaasha United ka hor kulanka Everton

(Manchester) 25 Okt 2018 Jose Mourinho ayaa dhagaha ka furaystay codsi uga yimid taageerayaasha Manchester United ka hor kulanka Everton.

Manchester United oo sabtigii barbaro la gashay Chelsea ayaa axada marti qaadaysa kooxda Everton, taageerayaasha ayaana codsi u gudbiyay Mourinho.

Taageerayaasha Manchester United ayaa ka codsaday tababare Mourinho inuu keydka dhigo Romelu Lukaku kulanka Everton kadib hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Daily Star ayaa baahisay in Mourinho uusan doonayn marnaba inuu keyd galiyo weerar yahanka reer Belgium, Romelu Lukaku ayaana ka hor tagi doona axada kooxdiisii hore.

Codsiga taageerayaasha ayaa ah in keydka la dhigo Lukaku isla markaana weerarka kooxda laga dhigo Rashford iyo Martial.

Laakiin sida muuqata tababare Mourinho ayaan aqbali doonin codsiga uga yimid taageerayaasha.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close