Kooxda reer London ee Arsenal oo guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Sporting CP kulankii tartanka Europa League

(Europa League) 25 Okt 2018. Kooxda reer London ee Arsenal ayaa guul muhiim ee 1-0 ah kaga soo gaartay kooxda Sporting CP kulankii ay ku booqatay garoonkeeda José Alvalade kaasoo ka tirsanaa kulamada koobka Europa League.

Kooxaha Sporting CP iyo Arsenal ayaa waxay kulankan ku bilaawdeen si xiiso leh, xili kooxda martida ahayd ee Gunners ay sameesay isku dayo badan si ay hogaanka ugu kabato ciyaarta.

Shaxaha rasmiga ay labada kooxood Sporting CP iyo Arsenal ay ku soo bilaawdeen kulankan ayaa ahaa:

Sporting CP: Ribeiro, Ristovski, Pinto, Coates, Marcos Acuna, Gudelj, Petrovic, Battaglia, Fernandes, Montero, Nani.

Arsenal: Bernd Leno, Lichtsteiner, Sokratis Papastathopou, Rob Holding,  Xhaka, Ramsey, Guendouzi, Elneny, Mkhitaryan, Welbeck, Aubameyang

Qeybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen barbaro 0-0 ah, kadib markii ay ku fashilmeen in wax gool ah ay iska dhaliyaan.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay kooxda Gunners ayaa halkeeda ka bilaawday inay raadsato goolka daah furka ciyaarta, waxayna markale sameeyeen isku dayo dhowr ah.

Daqiiqadii 78-aad ee ku dhawaad dhamaadka ciyaarta kooxda reer London ee Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu gool u dhaliyay Danny Welbeck , kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ugu dambeyn Arsenal ayaa guul muhiim ah ee 1-0 ah kaga soo gaartay dhigeeda  Sporting CP kulankii ay ku wada ciyaareen koobka Europa League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close