Franck Ribery oo dib u bilaabay tababarka kadib dhaawicii soo gaaray

(Munich) 25 Okt 2018 Bayern Munich ayaa helaysa war wanaagsan oo ku aadan dhaawaca laacibkeeda Franck Ribery.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac dhanka dhabarka ah ku seegay kulankii Champions League, saaka ayaana la arkay isaga oo qaadanaya tababar gooni ah.

Bayern Munich ayaa baraha bulshada ku faafisay sawirada Franck Ribery oo qaadanaya tababar gaar ah, xili ciyaartoyda kale ee kooxdu ay saaka ku maqnaayeen fasax.

Kooxda ayaa bilaabaysa barri oo jimco ah u diyaar garowga kulanka ay u martin doonto sabtiga kooxda Mainz, mana la hubo in Franck Ribery uu taam u yahay kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close