Ronaldo oo xalay la kulmay tababarihiisii hore ee Sir Alex Ferguson

(Manchester) 24 Okt 2018 Cristiano Ronaldo ayaa xalay ku soo laabtay Old Trafford kulan ka tirsanaa wareega guruubyada ee Champions League.

Kadib guushii xalay ay Juventus ka qaadatay Manchester United ayuu la kulmay Ronaldo tababarihiisii hore ee Sir Alex Ferguson.

Laacibka reer Portugal ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawir uu kula jiro tababarihiisii hore ee Sir Alex Ferguson, wuxuuna ku soo qoray ereyadaan:

“Tababare wayn, waxaas oo dhan ka hor waa nin cajiib ah, wuxuu i baray wax yaabo badan gudaha iyo banaanka garoonka intaba”.

“Waa cajiib inaan ku arko adiga oo ku jira xaaladaan wanaagsan maamule”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close