Real Madrid oo war wanaagsan helaysa ka hor kulanka El-Clasico

(Madrid) 24 Okt 2018 Tababare Lopetegui oo xalay guul ku hogaamiyay kooxdiisa Real Madrid ayaa helaya war wanaagsan ka hor kulanka El-Clasico.

Daafaca reer Brazil ee Marcelo ayaa xalay dhaawac looga saaray garoonka, waxaana durba soo baxay warar sheegaya inuu seegayo kulanka El-Clasico.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Marcelo uu taam u yahay kulanka axada ay Real Madrid u martin doonto Barcelona.

Wargayska ayaa sheegay in ilawareedyo aad ugu dhaw Real Madrid ay u xaqiijiyeen in Marcelo uu si buuxda taam ugu yahay kulankaas.

Lama hubo laacibka tababare Lopetegui uu ka ciyaarsiinayo daafac midig kulanka Barcelona maadaama Carvajal uu wali qabo dhaawac, waxaana loo badinayaa in Alvaro Odriozola uu ka ciyaari doono booskaas.

Varane oo keydka la fariisiyay xalay ayaa ku soo laabanaya safka hore isaga iyo Ramos ayaana ka ciyaaraya daafaca dhexe, halka Marcelo uu ilaashan doono booskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close