Liverpool oo Guul Raxaa ka gaartay FK Crvena Zvezda iyo Barcelona oo La’aanta Messi garaacday Inter Milan

( Champ’ League ) 24 Okt 2018. Naadiga Liverpool ayaa guul aysan ku dhibtoon waxay ka gaareen kooxda FK Crvena Zvezda markii ay uga badiyeen 4-0.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay Reds, waxaana goolka daah furka u dhaliyay Roberto Firmino halka goolka labaad uu raacsaday Mohamed Salah.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Liverpool ayaa halkeeda kasii wada kubbadeeda qurux waxayna la yimaadeen laba goolka kale.

Goolka seddaxaad waxaa markale u dhaliyay Mohamed Salah kasoo ahaa rigoore ka hor inta uusan Sedio Mane qasaarin gool ku laad kale.

Balse xiddiga Senegal ayaa ugu dambeyn qaladkiisa saxay wuxuuna soo qatimiyay goolasha afareydaa oo ay caawa guusha ku raacday Naadiga Liverpool kaddib kubbad uu caawinteeda ka helay Daniel Sturridge

Dhanka kale Barcelona ayaa guul ka gaartay Inter Milan la’aan laacibkooda muhiimkaa ee Lionel Messi oo dhaawac gacanta ku seegay dheeshan markii ay ku adkaadeen 2-0.
Goolka hore Barca waxaa u dhaliyay cayaariyahanka Rafinha oo kubbad caawin qurux badan ka helay weeraryahanka Luis Suarez.
Qeybta dambe ayay Barcelona la yimaadeen goolka labaad gaar ahaan daqiiqadihii dambe waxaana u dhaliyay daafaca Jordi Alba.
kulamada kale Natiijooyinkooda ayaa kusoo ilaaday sidan.
FT      Club Brugge   1 –  Monaco
FT     Borussia Dortmund   4 – 0   Atletico Madrid
FT     PSV Eindhoven   2 – 2  Tottenham Hotspur
FT    Paris Saint Germain   2 – 2   Napoli
FT  Galatasaray  0 – 0  Schalke 04
FT  Lokomotiv Moscow  1 – 3   FC Porto
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close