“Jaamacad ayay wax ka dhigi karaan.”.- Mourinho oo si aan horey loo Maqal u AMMAANAY Bonucci iyo Chiellini

(Manhester) 24 Okt 2018. Juventus ayaa ka soo tagtay garoonka Old Trafford iyadoon wax saameyn ah kala kulmin weerarka Manchester United isla markaana iska maamulaneysay kulanka, Jose Mourinho ayaana ammaan ugu qubeeyay labada xiddig ee daafaca dhexe kaga ciyaarta kooxda reer Talyaani.

Giorgio Chiellini iyo Leonardo Bonucci ayaa dhowr sano wada joogay inkastoo xiriirkooda ay soo kala dhex gashay Milan maadaama uu Banucci la soo joogay kal ciyaareedkii tagay, labada daafac ayaa ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka.

“Juventus ayaa xukumeysay kulanka qeybtii hore, wayna difaactameen qeybta dambe iyagoo daafac dhexe oo dheeri ah ku soo daray daafacyada Cajiibka ah ee Chiellini iyo Bonucci,” Jose ayaa sidaa yiri.

“Mudane Bonucci iyo Mudane Chiellini waxay Jaamacada Havard ka bixini karaan casharo ku saabsan sida loo noqdo daafac dhexe.

“Waxay leeyihiin xirfad dabiici ah oo dhankasta, garoonka oo idil, sidaa darteed kulan adag ayuu noo ahaa innaga.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close