Ter Stegen oo sheegay in Real ay u dhutinayso maqnaashaha Ronaldo, wuxuuna saadaaliyay inay garaaci doonaan!

(Madrid) 23 Okt 2018 Goolhayaha kooxda Barcelona ee Ter Stegen ayaa ka hadlay kulanka ay axada dambe soo dhawayn doonaan Real Madrid.

Labada kooxoodba waxaa ka maqan xiddigahoodii ugu fiicnaa, Real Madrid ayaa lumisay Ronaldo suuqii xaggaaga, halka Messi uu suxulka ka jabay kulankii Sevilla.

Image result for Ter Stegen Ronaldo

Ter Stegen ayaa sheegay inuusan inbadan daawan kulamada Real Madrid maadaama jadwalka kooxdiisu uu yahay mid ciriiri ah, laakiin wuxuu xaqiijiyay inay u dhutinayaan la’aanta Ronaldo.

“Waxay haystaan ciyaartoy fiican, kulamo badan kama daawan Real Madrid maadaama jadwalkeenu uu ciriiri yahay, laakiin waxaa saameeyay maqnaashaha Ronaldo” ayuu yiri Ter Stegen.

“Inaan garaacno waa arin aad u wanaagsan, diyaar ayaan u nahay kulankaas cajiibka ah, laacib walba wuxuu doonayaa inuu gaaro kulankaas isaga oo ku jira xaalad fiican”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close