Ter Stegen oo ka hadlay dib u soo laabashada Neymar

(Barcelona) 23 Okt 2018 Goolhayaha kooxda Barcelona ee Ter Stegen ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Neymar uu dib ugu soo laabanayo kooxdiisii hore.

Goolhayaha reer Jarmal ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna sheegay inuusan hubin waxa saxda ah ee uu damacsan yahay Neymar.

Image result for Ter Stegen Neymar

Ter Stegen oo bixiyay waraysi dhinacyo badan taabanayay ayaa la waydiiyay dib u soo labashada Neymar, wuxuuna yiri:

“Ma garanayo waxa ku dhacaya Neymar, ma awoodo inaan ka hadlo arimahaas, laakiin xiriir fiican ayaan la leeyahay isaga”.

“Ugu danbayntii waa wax wanaagsan in kooxdaada uu kamid yahay xiddiga ugu fiican”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close